Shaqo joojin ku meel gaar ah ayaa lagu soo rogay Bajaajyadii ka shaqaynay Gudaha Magaalada Baydhabo iyo tuulooyinka ku xeeran, kadib markii amar ka soo baxay taliska ciidanka Booliska KGS.
General Mahad Cabdiraxmaan Aadan waa taliyaha ciidanka Booliska Koofur galbeed waxaa uu sharaxayaa sababta Bajaajyada ay ugu soo rogeen Xayiraadda.
Bajaajyo tiradooda kor u dhaafaysa 1,700 ayaa ka shaqaysa Baydhabo, waxaana ku noloshooda ku maaraynayay Dhalinyaro badan kuwaasoo xayiraada lagu soo rogay sheegay in ay saamaynayso nolosha qooyskooda oo ay ugu xaamali jireen.
Bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayay u hayd Bajaajta Gaadiid fudud durba gaynaya halka ay rabaan duleedka Magaalada, xaafdaha dhexdooda ilaa iyo tuulooyinka, balse maanta oo ah maalintii koowaad ee xayiraadda la galiyay Bajaajta ayay dadka dareemeen, dareeqyada bajaajyada buuxin jireen waxaa bedelay dadkii raaci jiray oo lugaynaya tiiyoo dad ay bajaajta kala qarisay dariiqyada isku arkeen iyadoo mid waliba daalka lugayska uu ka muuqdo.