Baydhabo Somaliya{WMN}- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen qofkii haggaha ka ahaaweeraradii qaraxyada ahaa ee Muqdisho ka dhacay maanta.
NISA ayaa xustay ruuxa la qabtay uu ahaa hogaamiyihii howlgalka qaraxyada Alshabab ay geysteen iyo wadahii gaarigii danbe ee ku qarxay Taalada Daljirka daahsoon ee muqdisho.
Macluumaadka Nabad sugida oo aad u koobnaa awgood Magacyada ragga la qabtay iyo sawiradooda midna ma aysan sheegin NISA.