Baydhabo Somaliya{WMN}- Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray duqeyntii maanta ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, kaasoo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni.
Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay duqeyn jawaab u aheyd weerarka lagu qaaday saldhigga Ciidamada Xoogga dalka lagu laayay Koox ka tirsan Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen illaa 52 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii gantaal lala helay gaari ay saarnaayeen.
Sawirro laga soo qaaday gaariga Al-Shabaab lagu duqeeyay oo ahaa nooca xamuulka ayaa muujiyay meydad fara badan oo gubtay iyo burburka gaariga la duqeeyay.