Baydhabo-{WMN}-Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa maamulka cusub ee Degmada Diinsoor oo ugu horeeyey Gud. Cabdisalaan & ku xigeenadissa. Waxaa kaloo kulanka kasoo qeyb galey ku dhawaad 100 (boqol) qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Ganacsatada; aqoonyahanada; dhalinyarada; haweenka & qeybaha kale ee bulshada rayidka. Kulanka ayaa loogu tala galey sidii wadatashi ku saabsan baahida horumarineed ee ka jirta Diinsoor looga uruurin lahaa kasoo qeyb galayaasha.
Abdirisaaq Sheikh Axmed Mohamed agaasimaha waax-da maamulka iyo shaqaalaha ee wasaaradda Qorsheynta KG ayaa ugu horeyntii kulanka ka hadlay wuxuuna qeexay muhiimada kulanka,isagoona yiri intiinan maanta halkan fadhiyo ayaa talada Diinsoor oo dhan gacantooda ku jirtaa hadii idiinka wax fiican aad dalbataan waxaad wax u qabateen naftiina iyo mustaqbalka caruurtiina.
Guddoomiyaha Degmada diinsoor Cadisalaan Xaaji Siidow Mohamed oo kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in Diinsoor ay fursad u tahay qorshahan,lagana doonayo bulshada inay ka faa’deystaan’
Kulanka wadatashiga qorista Qorshaha Horumarinta KG oo 30 bishii November ee uu ku daahfurey Magalaada Baydhabo wasiirka Qorsheynta Axmed Madoobe Nuunow Mohamed ayaa lagu wadaa in guud ahaan la gaarsiiyo deegaanada koonfur galbeed.