Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa faray Guddiga Koonfur Galbeed u qaabilsan ka hortagga Coronavirus in maaln walba Bulshada u oo gudbiyaan warbixino la xiriira xaalada Caafimaad e ka jirta deegaannada maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale guddiga loga baahan yahay inay gurmadyo kala duwan gaarsiiyaan deegaannada ay kajirto baahi caafimaad,sida, Afgooye, walanweyn ,deegaannada Gobolka Bakool, Qoyooley iyo Marka.
Dhamaan Xubnaha Guddiga ka hortaga COVID-19 ayuu ugu baaqay inay dard dar geliyaan howlahooda,isla markaana sidoo kale ay sameeyaan wacyigelin la xiriirta Coronavirus.