Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni written by Warsan Radio 15/05/2022 Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka billaabatay Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u tartamayaan in ka badan 30 musharax.Waxaa musharaxiinta ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa furay doorashada, isaga oo sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan. Haddii musharaxa afaraad iyo shanaad ay isku cod noqdaan, waxay labaduba u gudbayaan wareegga labaad.Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.Ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa sugaya amniga goobta ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana caawinaya ciidamada booliska Soomaaliya.Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya. Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni was last modified: May 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalo katirsan Mareykanka next post Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo u soo gudbiyay wareegga ugu dambeeya You may also like DHAGEYSO:BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE HABEEN IDAACADA WARSANRADIO 6-11-2016 06/11/2016 Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka 05/05/2020 Akhriso:-Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka horyimid dhismaha Guddigii Isgaarsiinta Qaranka 27/06/2018 Dhageyso:_Warka Duhur ee Idaacda Warsan 20/12/2020 Dad Shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho 31/05/2020 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 07/06/2023 Daawo Video Wafdi ay hogaamineyso Waziirada Dhalinyarada isbootiska aya soo gaartey Magalada baydhabo 20/06/2017 Madaale oo dhagax dhigay Xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha 28/10/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/01/2021 Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay 09/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.