
Gabadhan Soomaaliyeed ayaa isku soo dhiibtay Booliska Masar, waxayna qiratay inay dishay darawalka oo ay ku eedaysay inuu isku dayay inuu fara xumeeyo gudaha gobolka Giza, sida uu qoray wargeyska Al-Masry Al-Youm.
Gabadhan Soomaaliyeed ayaa timid Saldhiga Booliska ee Sitta October , iyadoo uu la socday Qareen xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee dalka Masar.
Waxa ay sheegtay in aysan ku talo galin in ay disho ninka, balse in uu diiday in uu joojiyo Mootada, sidoo kale uu ula soo baxay Mindi uu rabay in uu ugu hanjabo in uu fara xumeyn doono,islamarkaana uu isku dayay marka hore in uu dhaawaco balse ay iska difaacday, ayna gacanteeda soo gashay Mindidii ka dibna ay sidaasi ku galisay.
Gelida Bidix ayaa la sheegay in ay galisay tooreyda, waxaana xeer ilaalinta Masar ay sheegeen in dhammaan sheegashada gabadh ay tahay mid sax ah markii baaritaan la sameeyay.
Gabadhan ayaa la horgeeyay Xeer ilaalinta, waxaana ay xabsiga ku jirtay muddo 4 maalmood ah, iyadoo baaritaan lagu waday.
Xeer ilaalinta guud ayaa amartay in la sii daayo gabadhan inta laga sugayo baaritaanka dilka loo geystay darawalka.