Xiisad u dhaxeeysa Xukuumadda & mucaaradka Somaliland oo ka taagan Hargeysa written by Warsan Radio 05/06/2022 Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda u dhaxeeysa Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka, kaas oo salka ku haaya muddo kororsi lagu eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhawaan iclaamiyay dibadbax ay kaga soo horjeedaan muddo kororsiga, waxaana Xukuumadda ay ku billowday cadaadis iyo inay ka hortagto dibadbaxaas.Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigay Milkiilaha Maqaayadda SIMA Axmed Sayid Heybe Nuur ,halkaas oo xalay ay Bulshada kula damaashaadeen Guddoomiyaha Xishiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro iyo Xubno kale oo katirsan Ciidamada Mucaaradka.Guddoomiye Cirro oo ka hadlay xariga Milkiilaha Maqaayadda SIMA ayaa yiri” Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisana laga qaado oo xabsigana loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan shaaha ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujinayey.Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay markale inay qabanayaan dibadbaxa uu isaga hoggaamin doobo, isla markaana aysan jiri karin cid hor-istaagi karta.Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay Ciidamo farabadan dhoobtay waddooyinka si ay uga hortagto dibadbaxa ay qorsheeynayaan Xisbiyada Mucaaradka. Xiisad u dhaxeeysa Xukuumadda & mucaaradka Somaliland oo ka taagan Hargeysa was last modified: June 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay next post Dagaal ay ku dhinteen laba Nin walaalo ah oo ka dhacay Gobolka Sool You may also like Xasan Sheekh: Al-shabaab waa dhilqe ee aan si wadajir ah iskaga saarno 14/01/2023 Gaari shacab oo Miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad oo khasaare badan geystay 14/04/2021 Bandow guud oo maanta ka dhaqan galaya dalka Ingiriiska 22/09/2020 Dhageyso Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa tababar ugu soo xirey magaalada Beledweyne ciidamo ka tirsan Hirshabeelle 07/01/2017 Dawladda Yemen ayaa ku eedaysay weerar ka dhacay Marib oo ay ku dhinteen 17 qof. 06/06/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Dhalanyarada 17/08/2020 Ra’’iisul Wasaare Rooble oo kulan is xog-wareysi ah la qaatay Madaxweynaha Puntland 22/05/2021 Bangiga Aduunka oo ogolaaday $ 55 Milyan oo lagu joogteeyo dib u habaynta maaliyaddeed ee Soomaaliya 24/06/2020 VIDEO Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo Baydhabo Laga Xusey 01/05/2018 Ukraine oo hubka Maraykanka u qaadan karta amaah ama kiro 10/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.