Weerar ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay written by Warsan Radio 05/06/2022 Rag hubaysan ayaa xalay waxaa weerar ku bilowday bambo gacmeed ay ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Agagaarka masaajidka Turkiga ee kuyaalla Wadada u dhaxeysa Isgosyka Fagax & Xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan.Dagaal kooban oo ka dhacay Goobta weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay sida la xaqiijiyay Wiil Dhalinyaro ah oo wadada marayay, kaas oo lagu Magacaabi jiray Sakariye Cabdullaahi Sabriye, halka ay ku dhaawacmeen weerarka.Dadka degaanka ayaa ku waramay in Ciidamada Booliska ay Barta-koontorool isaga tageen intii uu socday dagaalka walow markii dambe ay dib ugu soo laabteen.Warar qaar ayaa sheegaya in raga weerarka soo qàaday ay ahaayeen ciidan millatari ah oo iyaga oo meesha maraya hubna aan wadan ay markii hore qash qashaadeen kuwa booliska sidaasna ay kusoo weerareen .Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo weeraray Barta Koontorool ee Ciidamada Booliska kuleeyihiin Agagaarka Masaajidka Turkiga, waxaana inta badan ku waxyeelooba dad Shacab ah. Weerar ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay was last modified: June 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ukraine oo ka carootay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska next post Xiisad u dhaxeeysa Xukuumadda & mucaaradka Somaliland oo ka taagan Hargeysa You may also like Dhageyso;- warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 29/05/2022 MW Xasan Sheekh oo Magacaabay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Iyo Taliyaha Ciidanka Lugta 19/09/2023 Emine Erdoğan iyo jilaaga caanka ah Aamir Khan oo ku kulmay Istanbul 17/08/2020 Guddiyada Doorashooyinka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho 04/07/2021 Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Koonfur Galbeed 09/10/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 04/02/2021 Akhriso:-Xildhibaanada damiinatay Al-Shabaab waa 39% sida oo sheegay Fahad yaasiin 15/04/2019 Ciidamada Ukraine oo dib ula wareegay magaalo ay Ruushka qabsadeen 27/02/2022 Shir Looga sugida Amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa Lagu Qabtay 18/10/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 09/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.