
Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray βkhalad asaasi ahβ oo uu galay.
Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay βinay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaaβ maadaama βisagu uu isbahdilayoβ.
Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.