Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 07/09/2023 Maamulka Jubbaland & Wakiilka QM oo ka wada hadlay 16 kursi ee Gobolka Gedo 13/04/2022 DHAGEYSO:Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay 22/11/2017 Maxkamadda sare ee dalka oo Maanta dhageysatay dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin 19/04/2022 Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani oo isaga baxay magaalada Kabul 15/08/2021 DHAGEEYSO GODOMIYAHA DIGIL IYO MIRIFLE DEGMADA BAARDHEERE AYAA KAHADLAY DHIBAATADA KATAAGAN DEGMADA BAARDHEERE 3-11-2016 03/11/2016 Akhriso:-SJS oo ka walaacsan weerarada internet-ka ee sii kordhaya ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed 25/10/2019 Xuska Maalinta Dhirta Soomaaliyeed oo Baydhabo laga xusey . 17/04/2019 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Norway Oo Ku Kulmay Washington 19/10/2019 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 22/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.