Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan written by Warsan Radio 25/06/2022 Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like DF oo furaysa Duulimaadyada gudaha iyo amaro cusub oo la soo rogay (Akhriso) 01/06/2020 Ninkii ka dambeeyay Afgembiga dalka Mali oo Saxaafada kasoo muuqday 20/08/2020 Sawiro;-Wasiiro iyo Xildhibaano ku wajahan degmada Buulo Burde. 11/10/2022 Doorashada Afar kursii oo maanta ay ka dhacday Magaalada Muqdisho. 02/02/2022 Wasiir sheegay in XAMAAS ay dili doonaan Ra’iisul Wasaaraha Israel 12/10/2023 Daawo Beesha Garwaale oo kamid ah Beelaha Dega gobalka Bay ee Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Ay Sheegeen 18/12/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 16/11/2020 Dhageyso:-Xildhibaanada Golaha shacabka oo kulankoodi ku kala tagay 06/04/2019 Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Gobalka Hiiraan 19/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.