Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta written by Warsan Radio 26/06/2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore mahad ballaaran ujeediyay Alle subxaanahu wa tacaalaa oo suurtageliyey in aan si nabad ah loo xuso Todobaadka Xoriyadda dalka oo xalay si rasmi ahu bilowday, inkastoo uu ka cudur daartay ka qeyb-gal la’aantamunaasabadda 26ka Juun, maadaama uu u hoggaansamayo talooyinka bahdacaafimaadka ee la xiriira COVID-19.Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynuku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda ayuu yiri Madaxweynaha.Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku habsadaydalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u muujin karno Todobaadka Xorriyadda.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeeday si weyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimada dalka.” Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan cagligooda, cilmigooda, cududdooda iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan weligeed duugoobayn, waana jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno amni xumada, saboolnimada, abaaraha iyo shaqo la’aanta curyaamisay dhallinyaradeenna ayuu kusoo geba-gabeeyay qoraal uu soo saaray Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta was last modified: June 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Ra’iisul Wasaare Xamse’ Waa in laga garaabo Goonni isku taaga Somaliland” You may also like Dad ku dhintay Maanta Madaafiic ku dhacday Magaalada Laascaanood 13/08/2023 Faransiiska Iyo Ingiriiska Oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Ka Hortagga Qulqulka Muhaajiriinta 15/11/2022 Ra’iisal Wasaare Xamse oo booqday Xerada Turki -Som 01/08/2023 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 12/12/2022 Golaha Wasiirada oo ansixiyay Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab 24/11/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 14/01/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 03/08/2021 Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashada Kenya 12/08/2022 AKHRISO:-SHQO JOOJIN AYSAKA SAMEEYEEN DIYAARADAHA GAROONKA Muqdisho 08/12/2016 Gollaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho 02/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.