laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro written by Warsan Radio 29/06/2022 Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Waliyow-cadde ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Hodan, halkaas oo ay kusoo kordheen kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya.Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar iyo Goobaha Ganacsiga, iyaga oo kusoo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida Xashiis iuo calaq oo aad u farabadan iyo Dhalinyaro lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhaca degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo taliyaha qeybta Waliyow-cadde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya oo ay howlgalka kusoo qabteyn ay qeyb ka ahaayeen Amni darrada kajirta Magaalada Muqdisho.Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyaga oo digniin u diray dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan. laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro was last modified: June 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Kooxda Xamaas oo soo bandhigay muuqaalka Askari Israa’iil ah oo ay qabteen next post Madaxtooyadda oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka caafimaaday COVID-19 You may also like Museveni Oo Ku Baaqay In Xildhibaanadiisa Laga Mamnuuco Safarrada Dibadda 16/01/2023 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/02/2022 laftagareen oo AMISOM u gudbiyey qorsho ka dhan ah Al-Shabaab. 01/03/2020 Puntland oo DFS ku eedeysay inay isbaaro u dhigatay deeqaha loogu talo galay 09/08/2023 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamkaa 17/04/2022 Ciidamo xoogan iyo Saraakiil oo gaaray degaanka Geedwyene oo weerar uu ka dhacay 04/08/2023 Boqolaal Muhaajiriin ah oo ku geeriyootay badda Mediterranean ee dalka Libya 3-11-2016 03/11/2016 DFS oo maanta lagu wado in ay gurmad geyso Afgooye 21/07/2020 Guddoomiye Madaale Oo Shir Guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka 02/01/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 19/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.