Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan written by Warsan Radio 08/07/2022 Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amniga Xajka sanadkan waxay u diyaarisay 22,000 oo qof sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.Kumannaan askarta booliska ah ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya sugidda amniga xujeyda. Waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska qaybahooda kala duwan.Ciidamadaas oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaan iyo noocyo kala duwan oo gaaddiid ah.Maamulka magaalada Maka waxay howlgeliyeen dhammaan shaqaalihii iyo dhaqaalihii ay ugu talagaleen in lagu ilaaliyo amaanka xujeyda.Ciidamada dhulka ee boqortooyadu waxay iyaguna ka qayb qaadanayaan amniga goobaha ay Xujeydu acmaasha ku gudanayaan si ay uga hortagaan wax kasta oo waxyeello u geysan kara martida xaramka soo booqatay.Xujeyda waxaa u adeegaya gaadiid isugu jira basas iyo tareen casri ah.Dhammaan magaalooyinka Maka iyo Madiina iyo goobaha ay acmaasha xajku ka dhacayaan hawada sare waxaa ka ilaalinaya oo iyaguna heegan ku jira ciidamada cirka boqortooyada Sacuudi Carabiya.Boqortooyada Sacuudiga malaayiinta qof ee xajka gudaneyso waxay u diyaarisay adeeg caafimaad oo dhammeystiran.Wasaaradda Caafimaadka Sacuudi Carabiya waxay sheegtay magaalooyinka Maka iyo Madina inay ku diyaarisay 23 isbitaal iyo 147 xarumo caafimaad oo xujeyda u adeegto.Isbitaalladaas iyo xarumahaas caafimaad waxaa lagu diyaariyay in ka badan 1,000 sariir oo loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, 200 oo sariir oo loogu talagalay dadka kuleylka uu saameeyo, iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka badan 25,000.Waxaa sidaas oo kale la diyaariyay gaadiidka gurmad caafimaad ee dedgegga ah ee loo yaqaanno bukaan-la-roor (Ambulance) oo isugu jira 100 yaryar iyo 75 noocyo waaweyn ah.Dadka laga helo cudurka Covid-19 waxaa iyagana loo diyaariyay xarumo u gaar ah oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalo.Hal milyan oo qof ayaa xajineysa sanadkan.Xigasho Bbc Somali Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan was last modified: July 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada warsan You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 01/02/2022 RW Xamse oo Amray in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Beledweyne 03/10/2022 Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo muqdisho ku geeriyooday iyo Madaxda Dowladda oo ka Tacsiyaysay 17/02/2021 Itoobiya oo digniin u dirtay dowladda Sudan 13/01/2021 Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. 22/06/2022 Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ? 03/02/2022 Madaxweyne Farmaajo oo kulan kale iskugu yeeray dowlad goboleedyada 29/09/2020 Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay 16/11/2022 DF oo ku baaqday in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka ka socda Baladweyne 07/09/2021 Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran 01/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.