Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay written by Warsan Radio 26/07/2022 Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa aaga degaanka Laasqurun oo 20 km u jira degmada Feerfeer ee xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada liyuu Boolis & Xubno katirsan Al-Shabaab.Dagaalka ka dhacay dhinaca xadka Gobolka Hiiraan ayaa daba socday dagaalo culus oo Maalmihi la soo dhaafay Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab ku dhexmarayay degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, kaas oo markii hore ka bilaawday meelo kamid ah Gobolka Bakool.Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalidda, Musrafe Cagjar ayaa sheegay in uu si adag u cambaareeynayo weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka, isaga oo bogaadiyay jawaabta degdegga ah ee hay’adaha ammaanka degaanka ka bixiyeen weerarkaasWuxuu ugu baaqay shacabka iyo Dawladduba in ay kordhiyaan feejignaanta iyo kahortagga falalka lagu rabo in lagu khalkhalgaliyo amniga iyo xasiloonida Deegaanka, ayna sii joogteeyaan garabistaagga hay’adaha amniga oo ay muujiyeen, isaga oo faray muwaadin kasta in ay masuuliyad ka saaran tahay sugidda amniga shacabka degaanka.Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa diyaarisay Ciidamo farabadan oo Millaterigeeda ah, kuwaas oo Ciidanka degaanka Soomaalida ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-Shabaab. Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sawiro;-Shir Olole wacyi gelin ah oo looga hadlayo arimaha deegaanka ayaa ka furmay magaalada Baydhabo next post RW Xamse oo shaaciyay qorshihiisa kadib Magacaabista Golaha Wasiirada You may also like Galmudug & Jubbaland oo Maanta qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka 26/01/2022 video:-Heshiis laga gaaray Aaska Meydadka Weerarkii Bariire 31/08/2017 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 08/10/2021 Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho 19/08/2023 Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel 20/12/2022 Ciidanka Xoogga oo la wareegay Gacan ku haynta degaanno muhiim ah oo dhaca Gobalka Bakool 23/10/2023 Akhriso:-Ra’iisul Wasaaraha Kayre oo la kulmay Kuxigeenka Madaxa Midowga Yurub 02/05/2018 Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay 11/08/2023 Xukuumadda iyo Beesha Caalamka oo shir heerkiisu sarreeyo ku yeeshay qadka la iska arko 30/04/2020 Dagaalka Suudaan ka socda oo galay maalintiisii boqolaad 24/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.