Bangiga Adduunka oo 100 Milyan u ansixiyay Soomaaliya written by Warsan Radio 28/07/2022 Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $100 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo sii wadida dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee lagu gaarayo heerka dhameystirka dayn cafinta dalka.Dhaqaaalahan ayaa waxa uu taageerayaa dadaalka dawladda ee daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga iyada oo loo marayo iswaafajinta nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda dhexe.Maaddaama ay Soomaaliya sii wajaheyso dhibaatooyinka isbedelka cimilada la xiriira, taageeradan dhaqaale ayaa lagu xoojinayaa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgashiga kalluumeysiga iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo si loo abuuro shaqooyin loona kobciyo.“Hawlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dawladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.Bangiga adduunka ayaa sheegay in bishii Juun 2022, 46% dadka Soomaaliyeed ay soo food saartay cunto yari taasoo ay ugu wacan tahay xaaladaha abaareed ee sii xumaanaya iyo saamaynta sicir bararka, sida sare u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka, qayb ahaan waxaa sabab u ah dagaalka ka socda dalka Ukraine.Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayuu Baanka adduunku ku ammaanay Soomaaliya inay sii adkaysay xasilloonida dhaqaalaha guud waxayna sii waday ka qayb qaadashada Hindisaha deyn cafinta. Bangiga Adduunka oo 100 Milyan u ansixiyay Soomaaliya was last modified: July 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan. You may also like Midowga Musharixiinta “Ma aqbaleyno Doorasho aan jadwal laheyn” 19/11/2021 daaw video Kulan Ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Odiyaasha dhaqanka Xildhibaano iyo saraakiil oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo 29/01/2017 Waqtiga xilka loo dhaarinayo Madaxweynaha KMG ee GABON oo lagu dhawaaqay 01/09/2023 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada warsan 18/12/2022 Musharrixii shalay Garoowe lagu dhaawacay oo Xildhibaan loo doortay 02/02/2022 Mareykanka oo baaraya in Coronavirus si ku talo-gal ah loo abuuray dunnidda 16/04/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 27/08/2021 Kumaandooska Danab oo Weerar Cir iyo dhul ah ku qaaday Saldhig Al Shabaab joogeen iyo Saraakiil lagu dilay 25/08/2020 Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Ee Puntland Oo Korortay 03/05/2020 Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe 20/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.