Dowladda Soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaaday xaalad Caafimaad 7 qof written by Warsan Radio 22/10/2022 Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey.Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan iyo xubno ka socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.Dhaawacyada oo tiradoodu gaareysey 7 qof ayaa loo qaadey Dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdooda Caafimaad maadaama Kiisaskan ay ahaayeen kuwo aad u adag una baahnaa in ay hellaan Caafimaad dibadda ah.Dowladda Sucuudiga ayaa qaadatey Doorka gurmadkan waxaana goob joog ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dowladda Sucuudiga, howlwadeeno ka socdey Safaaradda iyo xubno ka yimid Sucuudiga oo sii qaadayey dhaawacyada.dhaawacyada ayaa ahaa kuwo ku wada dhaawacmey Magaalada Muqdisho, waxaana jira dhaawacyo kale oo laga keeney Magaalada Baladweyne oo qoor kamid ah ay xaaladdahoodu adag tahay waxaana Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay wadaa dadaalo lagu qaadayo dhaawacyada harsan sida u dhow.Wasiirka Wasaardda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahad celiyey gurmadka Dowladda Sucuudiga ay u fidisey iyo dowrka ay markasto ka qaadato u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaaday xaalad Caafimaad 7 qof was last modified: October 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Barnaamijka Maykoo usub ee Idaacada warsan next post Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay ninkii dilay Wasiir Siraaji You may also like DHAGEEYSO:-WARKA FIIDNIMO EE IDAACADA WARSAN. 13/10/2019 Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Degmada Warsheekh (SAWIRRO) 26/08/2020 Ciidanka Dowladda oo Guulo ka sheegtay Maleeshiyaad Xalay weerar Ku soo qaadeen Qeybo Kamid Ah Balad-Xaawo 25/01/2021 John Bolton oo kashifay sir culus oo muddo badan u qarsooneyd Madaxweyne Trump 19/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/07/2021 WHO oo ku talisay in dalalka Afrika ay qaataan talaalka Covid 13/02/2021 Video:-Wariye Faysal oo Booqdey mid Ka mid ah Kaamka Magalada Baydhabo oo Lagu MagaCabo ,Loo Goroor waxa degan Qoos Gaareya 70 qoos 12/02/2017 Toos u dhageyso Warsan Radio livestream 19/06/2020 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb 01/10/2021 Madaxweynaha Hirshabelle oo la filayo inuu soo saaro liiska xubnaha aqalka sare. 31/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.