Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil oo xoog ku galay baarlamaanka, maxkamadda sare iyo madaxtooyada written by Warsan Radio 09/01/2023 Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro oo diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday ayaa Axaddii waxay xoog ku galeen aqalka Congress-ka, dhismaha maxkamadda sare iyo xarunta madaxtooyada ee dalkaas.Kumanaan ka mida debedbaxayaasha ayaa dhaafay goobaha laga sugo ammaanka xarumahan dawladda, iyada oo qaar ka mida debedbaxayaashu ay u baxeen saqafka sare ee dhismayaasha, halka qaar kalena ay burburiyeen muraayadihii ku yaallay daaqadaha.Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin Axad ah oo aanay dad badani joogin dhismayaasha dawladda.Laamaha ammaanka ee dalka Brazil ayaa intaas ka dib waxay sameeyeen hawlgallo kala duwan oo ay taageerayaasha cadhaysan kaga saarayaan dhismayaasha dawladda. Intii ay hawlgalladani socdeen, waxay xabsiga dhigeen boqollaal ka mida debedbaxayaasha xoogga ku galay dhismayaasha dawladda.Dhacdooyinkan, oo u eg weerarkii lagu qaaday aqalka Congress-ka Maraykanka bishii January 6-deedii ee 2021, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo toddobaad uun ka hor, xafiiska madaxweynaha loo dhaariyey madaxweynaha u janjeedha dhinaca bidix ee Luiz Inacio Lula da Silva.Taageerayaasha Bolsonaro ayaa tan iyo 30-kii bishii Oktoobar waxay dhigayeen mudaharaado ay uga soo horjeedaan guusha doorashada madaxweyne Lula da Silva, iyagoo xidhay waddooyinka, mararka qaarna dab qabadsiiyay baabuur, waxayna isku urursadeen bannaanka dhismayaasha militariga, iyagoo weydiistay xoogagga hubeysan inay soo farageliyaan. Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil oo xoog ku galay baarlamaanka, maxkamadda sare iyo madaxtooyada was last modified: January 9th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed oo la taliye magacaawey next post Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey You may also like Duqeyn iyo dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Barri 22/07/2020 Barnaamijka Kulanka Warsan 20/10/2021 Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaad 2 sano kadib magacaabay golihiisa wasiiradda 20/05/2021 Dhageyso:-Ku celis Qeybta 6 aad ee Barnaamijka Beeraha 30/10/2020 Maamulka Trump oo dedejinaya qorshe lagu ciqaabayo Shiinaha 05/05/2020 Putin iyo Kim Jong oo qorsheysanaya Arrin halis ku ah Dowladda Ukraine 05/09/2023 Dhageyso:-Dood ku saabsan saameynta Corona Virus iyo bulshada. 17/06/2020 RW Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 04/05/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/05/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.