
Dowladda Suudaan ayaa Itoobiya iyo Imaaradka Carabta ku eedeysay in ay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn in ay ka fuliyeen gudaha magaalada Khartuum gaar ahaan garoonka Diyaaradaha iyo saldhigyo ciidan.
Xukumadda Suudaan ayaa falkaan ku tilmaamtay mid ka hor imaanaya Madaxbannaanideeda, isla markaasna ay qaadayaan tillaabo kasta oo ay ku difaaceyso dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Muxuyadiin Salem, ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay u yeertay safiirkii u fadhiyey dalka Itoobiya si ay ula yeeshaan Wadatashi ku saabsan weerarkan.
Milateriga Suudaan ayaa sheegay inay hayaan caddeymo sugan oo muujinaya in diyaaradaha weerarka geystay ay ka kaceen garoonka Bahir Dar ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Suudaan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyey in inkasta oo weerarku geystay burbur hantiyeed, haddana aysan jirin cid ku dhaawacantay ama ku dhimatay.
Dowladda Itoobiya ayaa si degdeg ah uga jawaabtay eedeymahan, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaan weli ka hadal eedeyntan ugu dambeysay, inkasta oo ay horey u dhowr jeer u diidday inay faragelin ku hayso dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan.
