
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka digay saameynta ka dhalan karta Fatahaadaha laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah dalka.
“Waa in loo diyaar garoobo sidii looga hortagi lahaa saameynta fatahaadaha Wabiyada dalka, maadama uu socda Roobka Guga” ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Sidoo kale, Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Maamul iyo Shacab looga baahan yahay in ay u diyaar garoobaan sidii looga jawaabi lahaa fatahaadaha.
“Waxaan Maamul goboleedyada ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan sidii loo caawin lahaa bulshada ku dhow goobaha Webiyada” ayuu yiri Wasiirka
Hadalka Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo xilliyadaan oo kale ay fatahaado sameeyaan webiyada waa wayn ee dalka sida Shabeellada iyo Jubba.
