
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qorshihiisa loo bixiyay “Qorshihii Xorriyadda” uu shaqaynayay tan iyo subaxnimadii Isniinta.
Waa maxay “Project Freedom”?
Hawlgalka, oo uu Trump ku dhawaaqay Axaddii, waxa uu ku saabsan yahay in ciidamada Maraykanku ay hagaan maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda si ay uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz, kaas oo sida ay sheegtay US Central Command ay si wax ku ool ah sida oo kale u xannibtay Iiraan.
Markii uu ku dhawaaqayay “Project Freedom”, Trump wuxuu sheegay in “dalal badan oo caalamka ah” ay Maraykanka ka codsadeen “inuu ka caawiyo sii daynta maraakiibtooda”, wuxuuna ku tilmaamay tallaabadan “ficil bini’aadantinimo”.
Maxay tahay ujeeddada “Project Freedom”?
US Central Command waxay sheegtay in hawlgalku uu yahay mid “lama huraan u ah amniga gobolka iyo dhaqaalaha caalamka muhiim u ah”, iyadoo qiimaha saliiddu uu weli qiyaastii 50% ka sarreeyo heerkii uu joogay ka hor dagaalka.
Xoghayaha difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa Talaadadii sheegay in ujeeddadu tahay “in la ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee aan waxba galabsan ee ay saamaysay gardarrada Iiraan”.
Muddo intee le’eg ayuu soconayaa?
Pete Hegseth ayaa sheegay in hawlgalku uu yahay mid “ku-meel-gaadh ah”, isla markaana ay ku lug leeyihiin 15,000 oo askari. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Maraykanku ay dhiseen waxa uu ugu yeeray “khadad casaan, caddaan iyo buluug ah” oo ag dhaw marin-biyoodka.
Muxuu ilaa hadda qabtay?
Wuxuu sidoo kale sheegay in laba markab oo ka gudbay marin-biyoodka muhiimka ah ay muujinayaan in jidku “cad yahay”.
Xusuusin ahaan, Maraykanku wuxuu sheegay in 22,500 badmaax ay ku xanniban yihiin 1,550 markab oo ganacsi oo ku sugan Gacanka.
Go’aanka Maraykanka ee ah inuu laba markab ka galbiyo marin-biyoodka Hormuz ayaa la filayay inuu falcelin ka keeni doono Iiraan, balse ma soo celinayo xorriyad buuxda oo maraakiibtu si xor ah ugu kala gooshi karaan, sida uu qoray tifaftiraha arrimaha caalamiga ah Jeremy Bowen.
