
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro marxaladda kala guurka ee dhanka amniga.
Wasiirka iyo Ergeyga ayaa si qoto dheer uga wada hadlay taageerada dhinacyada badan leh ee AUSSOM ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan fulinta howlgallada ka dhanka ah AS.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa boggaadiyay doorka Midowga Afrika ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxa Howlgalka AUSSOM, Mudane El Hadji Ibrahima Diene, ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay ka gaartay dhanka amniga iyo dib-u-habaynta ciidanka, wuxuuna caddeeyay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada hagar-la’aanta ah ee ay siiso Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Mareykanka uu joojiyay dhaqaalaha uu siin jiray Xafiiska UNSOS oo ay hoos yimaadan Ciidamada AUSSOM.
