Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ka tacsiyeeyay geerida Hawo Aadan Maxamed Amey, oo ahayd haweeney Soomaaliyeed oo si weyn loogu yaqaanay nabadda, waxbarashada iyo horumarinta bulshada.
Hawo Aadan Maxamed Amey ayaa sanadkii 2012 ku guuleysatay UNHCR Nansen Refugee Award, oo ah abaalmarin caalami ah oo lagu maamuuso dadka ama hay’adaha si muuqata uga shaqeeya ilaalinta iyo taageerada qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah.
UNHCR ayaa sheegtay in dadaalladii Hawo Aadan ee dhinacyada waxbarashada, ilaalinta bulshada iyo awood-siinta dadka ay saameyn weyn ku yeesheen nolosha dad badan.
“U heellanaanteeda waxbarashada, ilaalinta iyo awood-siinta dadka waxay wax ka beddeshay nolosha dad aan tiro lahayn,” ayay UNHCR ku sheegtay qoraal ay baahisay.
Hay’addu waxay sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyskeeda, asxaabteeda, bahda ay la shaqeyn jirtay iyo dhammaan dadka ay ka geeriyootay, iyadoo xustay kaalintii ay ka qaadatay adeegga bulshada iyo dadaallada nabadda.
Geerida Hawo Aadan ayaa loo arkaa khasaare ku yimid bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ay muddada dheer u adeegaysay iyo kuwa ka faa’iideystay dadaalladeeda ku aaddanaa waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

