Baydhowy-{WMN}-Hoos ka dhageyso Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Yusuf Sheekh Aadan (Qalinle)
ATEERA

Baydhowy-{WMN}-Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad hubeysan oo la sheegay inay falal amni darro ka fulin jirtay xaafaddaha kala duwan ee magaaladaas.
Ciidamada Booliska Sool ayaa qabtay shabakadda hubeysan oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Laascaanood u geysteen dad shacab ahaa, mas’uuliyiin iyo Askar Ciidan, waxaana xubnaha lagu xiray Saldhig ay leeyihiin ciidamada.
Qoraal uu soo saaray Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu soo qabanayay shabakadda uu iska horimaad kooban uu dhexmaray ciidamada iyo xubnaha la qabtay, iyagoona xusay in ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Shire, wuxuuna sheegay inay weli ku daba jiraan qeybo kamid ah shabakaddaas lagu qabtay.
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa horey loogu dilay dad isugu jiray mas’uuliyiin Askar iyo shacab, iyadoo falalkaas inta badan ay geysteen kooxo hubeysan oo aan heyntooda la garan. Somaliland ayaa horey magaaladaas uga soo masaafurisay kummanaan dad ah, kana soo jeeda koonfurta Somalia , kuwaasi oo lagu eedeeyay amni darrada magaalada.

Baydhowy-{WMN}-Hoos ka dhageyso Barnaamijka Bandhiga Warsan Radio oo aqrinayo Wariye Nuurto Maxamed Xuseen (Bardhere) iyo Wariye Yusuf Sheikh Adan (Qalinle)
DF Oo Ka Hadashay Khasaaraha Ka Dhashay Howlgal Culus Oo Ka Dhacay Degaanka Ceeldheere

Baydhowy-{WMN}-Ciidamada xoogga dalka, kuwa hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo saacado badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu ku sheegay in howlgalka oo ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed ay fuliyeen Mareykanka lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab.
Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jiray dagaalyahano iyo saraakiil, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir Alcadaala oo aan sheegin khasaaraha howlgalka ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in xubnaha la beegsaday ay ahaayeen kuwo isku uruursanayey deegaanka Ceeldheere, isla markaana haatan ay deegaankaas ku sugan yihiin ciidamada xoogga.
Gaba-gabadii Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa xusay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabadsugida ay ku daba jiraan saraakiil uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo baxsaday, wuxuuna intaas kusii daray in howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab uu sii socon doono.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyadda Sannadka 2023

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad
Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, diidmo 0, aamus 3, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Maamulka sannadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar).
ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ka soo xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.
Miisaaniyadda 2023 ayaa waxaa ku jira kab miisaaniyadeed oo wadar ahaan dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondaysan $1,856,286 oo la la filayo in laga helo beesha caalamka, kabkaas oo loo qorsheeyey in lagu daboolo farqiaga u dhexeeya dhakhliga iyo kharashka gudaha. Wadarta guud ee dhakhliga gudaha iyo kabka dhakhliga ayaa noqonaya dakhli dhan $119,487,960 taas oo bishii ku qoondeysan $9,957,330
Ciidamada Kurdiyiinta oo hanjabaad diray ka dib weerar uu Turkiga uga jawaabay qaraxii Istanbul

Baydhabo-{WMN}- Ciidamo maxali ah oo ku sugan Woqooyi Bari Siriya ayaa u sheegay BBCda in laga yaabo in lagu qasbo in ay banneeyaan xeryo ay ku hayaan maxaabiis ka tirsan Kooxda IS ee Islaamiyiinta .
Kooxda Ciidamada Dimoqraadiyiinta Siiriya ee SDF ayaa sheegtay in hadda iyo wixii ka dambeeya aanay awood u laheyn in ay ilaaliyaan Xeryahaasi haddii ay Turkigu soo qaadaan weeraro cusub oo dhulka ah ku soo qaadaan halkaa.
Turkiga ayaa weeraray boqolaal bar Tilmaameeedoo gobolka ah iyagoo ka aargudanaya qarax ka dhacay Istanbul kaas oo Turkigu ku eedeeyeen kooxaha goonni u goosadka Kurdishka ee saldhigyada ku eh woqooyiga Siiriya .
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horay u sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya ay yihiin kuwa bilow ah.
Mr Erdogan ayaa sheegay in sida ay Turkiga uga ka go’an tahay sugidda amaanka xuduudka ay la wadaagtay madaxda Suuriya.
Horey wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Baydhabo-{WMN}- Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.
Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti. waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda.
Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayaddaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanadda laga xorreeyay Al Shabaab si ay ula wareeggaan ammaanka goobahaasi, isla markaana ay uga shaqeeyaan xasilloonidda iyo wada noolaashiyaha bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Abdullaahi Haaji Hassan oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mudane Mohamed Mohamed Khaire Guddoomiyaha Gobolka Baay Mudane Abdifatah Mohamed Ibraahim Lataliyaha Madaxweynaha maamul Daadajinta Mudane Abdirahmaan ali Gaab Siiyaha xilka Guddoomiyaha Degmada Mudane Mohamed Isaack Hassan Taliyaha Saldhiga labo Xidigle Muxdiin Siraaji Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Bardaale Mudane Hassan Cade ayaa si wadajir ah xiraga ugu jaray iskuulka Hoose dhaxe Sare ee Sheikh Xaamud Ex Bardaale Iskuul.
Iskuulkan oo lagu kordhiyey qeybo cusub ayaa si isxilqaan ah waxaa ku dhisay maamulka oo kaashanaya Bulshada Degmada taasi oo fursad lama ilaabaan ah siinaysa jiilka waxbarashada u ooman waana tilaabadii ugu muhiimsaneed ee ay qaadeen Maamulka iyo shacabka Degmada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Abdullahi Haaji oo munaasabada xirag jarka ka hadlay ayaa ku dhiirageliyey bulshada iyo maamulkooda dadaalada miradhalka ah ee ay wadaan Taasi oo keentay in iskaaga wax u qabso ay ku dhistaan goobo muhiim u ah bulshada.
Wajiyadii ugu dambeyey ee indha fiiqis ah ayaa Isbitaalka Al-kheyraad ka fulisey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay taasi oo ka fa’idesteen bukaano badan oo in mudo ah la dhibtoonaayey xanuunada ku dhacaan indhaha kuwaasi oo u badnayeen dad da’ah.
Bukaanadaan ka fa’ideystay indha fiiqista Al-kheyraad ayaa qaarkood waxaa ay ka imadeen degaano ay hoos tagaan magaalada baydhabo, waxeyna iskugu jireen kuwo magaalada degaan u ah iyo kuwo kale oo ka imadeen kaamamka ku yalaan magaalada Baydhabo.
Al- kheyraad oo kamid ah xarumaha lagu daaweeyo xanuunada ku dhacaan indhaha ayaa sidoo kale waxa ay qabishaa bukaano ka imanaya gobolada kale ee dalka sida Baay, Bakool iyo Sh/hoose.
Dhaqtar Khadar Kuule Xasan ayaa ugu horeentii waxaa uu sharxaad ka bixinaya bukaanada qaliinada loogu sameeyey Isbitaalka Al-kheyraad ee Magaalada Baydhabo.
Indhaha waxey kamid yihiin xubnaha ugu qaalisan ee qofka Bini’aadan ah Maryan Maxamed Imaan oo kamid ah bukaanadii indhaha loogu fiiqey Isbitaalka Al-kheyraad ee magaalada Baydhabo mudo 15 sano ah ayaa indhaha ka saarnaa caad si indhaheeda loogu fiiqo ayay waxey uga timid Degaanka Ufurow oo katirsan gobolka Baay.
Waxaa soo badanaya xudurada kala duwan ee ku dhaca indhaha iyadoo dadka kudhacana ay iskugu jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhaqtar Khadar Kuule Xasan ayaa waxaa uu ka waramaya waxyaabaha sababa xanuunada kala duwan eek u dhaca indhaha.















