Sida ay shaaca ka qaaday Wasiir Deeqa Yaasin, qoysaska ayaa inta badan ku tiirsanaan jiray haweenka oo ah kuwa soo saara dakhliga qoyska taasoo keentay inay ka istaagaan ganacsiyadii yaryaraa sida goobaha shaaha, qudaarta iyo caanaha lagu iibiyo. Xilligan oo dadku ay guryaha ku jiraan ayay Wasiir Deeqa sheegtay in ay adkaatay in haweenkani ay sii wadaan taageeradii ay siin jireen qoysaskooda iyadoo uu soo foodsaaray culays dhanka dhaqaalaha ah.
- Shirka ayaa ahaa mid taxaddar gaar ah la siiyay amarrada caafimaadka ee la xiriira kala fogaanshaha bulshada inta uu xanuunku jiro. Isu imaatinka qeybaha kala duwan ee haweenka bulshada rayidka ah ayaa horseeday in la is dhaafsado afkaarta qaabka ugu habboon ee taakuleynta iyo mideynta dadaallada haweenka ee ku aaddan ka jawaabista xaalladan soo korortay.













