Axmed Madoobe oo kismaayo dib ugu laabtay kadib fashilka Shirkii Muqdisho was last modified: October 7th, 2024 by Warsan Radio
Category
WARARKA MAANTA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFSoomaaliya iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis.
written by Warsan Radio
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFSoomaaliya iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio
SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO MAALINTII AFARAAD KA SOCDO MAGAALADA MUQDISHO.
written by Warsan Radio
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si habsami leh uga socdo xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho,iyada oo maantana uu galay maalintii afaraad ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.
Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha.
Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay.
’Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Xudeyfi, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay maalintii afaraad ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta berito ah.
SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO MAALINTII AFARAAD KA SOCDO MAGAALADA MUQDISHO. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio
XOG:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar kuu ku tagilahaa Uganda baaqday iyo sababta
written by Warsan Radio
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqsaday safar muhiim ah oo uu ku tegi lahaa dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Yugaandha iyo Burundi. Safarkan ayaa la qorsheeyay in madaxweynuhu kulamo la yeesho madaxda dalalkaasi, si looga wada hadlo arrimo la xiriira amniga, gaar ahaan qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya (STP), kaas oo ku eg bisha December 31, 2024.
Qorshaha STP wuxuu qeexayaa sida mas’uuliyadda amniga dalka si tartiib tartiib ah loogu wareejin doono hay’adaha amniga ee Soomaaliya, xilli hawlgalka ATMIS uu soo gabagaboobayo. Socdaalka madaxweynaha ayaa ahaa mid muhiim u ah isla eegista horumarka la sameeyay iyo caqabadaha jira, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi karto amnigeeda ka hor dhammaadka qorshaha kala-guurka.
Sida ay ogaatay Dalsan Media, sababta ka dambeysa baaqashada safarka waa shirarka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) oo weli ka socda Muqdisho, kuwaas oo aan wax horumar ah laga sameyn wadaxaajoodyadooda. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo sidii loo gaari lahaa geeddi-socod loo dhan yahay.
In kasta oo baaqashada madaxweynaha loo arkay mid muhiim ah, mas’uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista qorshaha kala-guurka ee ATMIS. Madaxweynaha ayaa dib u habeeyay jadwalkiisa si uu guul uga gaaro shirka Golaha Wadatashiga, iyadoo dowladda ay ku jirto dadaal adag oo lagu xallinayo arrimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu markale qorsheeyo safarkii uu ku tegi lahaa Yugaandha iyo Burundi, iyadoo muhiimad weyn la siinayo wadashaqeynta la xiriirta qorshaha ATMIS iyo sidii Soomaaliya ugu guuleysan lahayd kala-guurka amniga.
XOG:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar kuu ku tagilahaa Uganda baaqday iyo sababta was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio
Ciidanka Xooga Dalka oo hawlagal ku dil in k badan 30 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.
written by Warsan Radio
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay inay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan kooxda AS ah. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka, waxaana la tilmaamay in weerarka lagu qaaday xerooyin ay Al-Shabaab ku lahaayeen aagag muhiim ah.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu qeyb ka ahaa qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada weli ku jira gacanta Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sidoo kale burburiyeen saldhigyo muhiim ah oo kooxdaasi ay u adeegsan jirtay weerarada iyo abaabulka. Weerarkan ayaa la sheegay inuu dhacay kaddib markii xog sirdoon oo muhiim ah laga helay dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee aagga, taasoo sahashay in la qaado tallaabo ka hortag ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay ku guda jirtay dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo isbahaysiga ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan “Macawiisleey” ay kaalin weyn ka ciyaarayaan howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, iyo Shabeellaha Hoose. Howlgalladan ayaa la sheegay in ay hoos u dhigeen awooddii kooxda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo ciidanku uu ku hawlan yahay sidii loo soo afjari lahaa gacan ku haynta Al-Shabaab ee deegaannada muhiimka ah.
Dhinaca kale, ciidamadu waxay sidoo kale soo furteen hub badan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee la weeraray, taasoo qeyb ka ah qorshaha lagu burburinayo awoodda ciidan ee kooxdaas. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa inta dalka laga xoreynayo, iyadoo kaashaneysa taageerada shacabka iyo ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya howlgalka ciribtirka ah.
Ciidanka Xooga Dalka oo hawlagal ku dil in k badan 30 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio
Dowladaha amniga ka taageera Soomaaliya oo si adag u tageeray madaxbnaanida dalka.
written by Warsan Radio
Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladahani waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la yareeyo xiisadaha ka taagan gobolka, iyaga oo taageeraya dadaallada dhexdhexaadinta ee uu Turkigu hormuudka ka yahay si xal nabadeed looga gaaro arrimaha siyaasadeed ee khuseeya Geeska Afrika.
Wakiillo ka kala socda dowladahan oo ku kulmay dalka Mareykanka ayaa si gaar ah uga dooday muhiimadda ay leedahay in laga hortago khataraha joogtada ah ee ay kooxaha argagixisada ah ku hayaan amniga gobolka. Geeska Afrika ayaa waxaa weli ka jira dhibaatooyin amni oo ay wadaan kooxo xiriir la leh argagixisada caalamiga ah, gaar ahaan Al-Shabaab, taasoo sii hurineysa baahida loo qabo iskaashi caalami ah oo wax ku ool ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu taageeray dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee lagu dhisayo ciidan tayo leh, xirfad sare leh, isla markaana lala xisaabtami karo, si loo xaqiijiyo amniga iyo difaaca qaranka. Dowladahani waxay ballanqaadeen inay ka taageeri doonaan DFS horumarinta iyo tayeynta ciidamadeeda, gaar ahaan tababarrada ciidan, qalabaynta, iyo xoojinta awoodda difaaca. Arrintan ayaa waxaa loo arkaa mid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah iyo sugidda nabadda iyo xasilloonida gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladahan ayaa isku afgartay in la wanaajiyo isku-dubbaridka tababarrada caalamiga ah, si loogu fududeeyo Soomaaliya inay hesho taageero dhanka tababarka ciidamadeeda. Waxa ay muhiimad gaar ah siiyeen in DFS loo siiyo kaalmada ay u baahan tahay si ay u horumariso awoodda ciidan ee lagama maarmaanka u ah sugidda amniga gudaha iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Wakiillada dowladahani waxay kaloo ka wada hadleen baahida degdegga ah ee loo qabo in la dhammeystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasillinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Waxaa la isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo dhiso qorsheyaal waara oo Soomaaliya u suurtageliya inay si buuxda u maamusho amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo ay ugu dambeyntii Soomaaliya ka gudubto kaalinta ay hadda ku jirto ee ku tiirsanaanta ciidammada Midowga Afrika.
Kulankani wuxuu caddeyn u yahay in beesha caalamku ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay taageero buuxda siineyso Dowladda Federaalka ee ku howlan dhismaha ciidan awood leh iyo sugidda nabadda. Iskaashigan caalamiga ah ayaa loo arkaa mid lagama maarmaan u ah dadaallada socda ee lagu ciribtirayo khataraha argagixisada ee weli ka jira dalka, waxaana rajo laga qabaa in qorsheyaashan is-afgaradka ku saleysan ay horumar la taaban karo u horseedi doonaan xaaladda amni ee Soomaaliya.
Dowladaha amniga ka taageera Soomaaliya oo si adag u tageeray madaxbnaanida dalka. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio
Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen.
Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran.
Warbaahinta Xuuriga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa.
Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa.
Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yeen.
Kooxda ayaa sidoo kale todobaadki hore sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka oo marayay Badda Cas.
Maraykanka oo duqeeyay goobo muhiima oo ku yaala dalka Yamen. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio
Shirkii ka socdey Muqdisho oo qarka u saaran in uu burburo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay Axmed Madoobe.
written by Warsan Radio
Shir gaar ah oo habeenkii xalay dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la soo sheegay inuu ku dhammaaday natiijo la’aan. Shirka ayaa xoogga lagu saaray arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ay isku mari waayeen dhinacyadu.
Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in Jubbaland ay doonayso inay si gaar ah u qabato doorashadeeda, halka dowladda Federaalka iyo inta badan dowlad-goboleedyada kale ay ku mideysan yihiin in doorasho toos ah loo galo oo wadajir ah. Jubbaland ayaa dhinaceeda ku adkeysanaysa in ay ku dhaqaaqdo doorasho u gaar ah, taas oo ka duwan qorshaha doorashada guud ee ay dowladda dhexe hormuudka ka tahay.
In kasta oo aan si rasmi ah loo fasakhin shirka guud ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), haddana waxaa cad in is-mari-waaga ku saabsan qodobada doorashooyinka uu caqabad ku yahay in xal waara laga gaaro wada-hadallada socda. Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo qancin lahaa Axmed Madoobe iyo Jubbaland, si loo mideeyo mowqifyada ku aaddan qaabka doorashooyinka.
Wada-hadallada ayaa weli socda, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya ay doonayso in shirku uu kusoo dhammaado isfahan buuxa oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hufan oo loo dhan yahay. Dadaalladaasi ayaa lagu wadaa in ay sii socdaan si loo gaaro heshiis laga wada qanco.
Sidoo kale waxaa qoraal soo saaray maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo,
War-saxaafadeed garnaqsi ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo ayaa farriin loogu diray Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.
Qoraalka Khaatumo waxaa lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan.
Hoos ka akhriso qoraalka SSC oo dhameystiran:
Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo.
Si waafaqsan Qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cutubka 5-aad, qodobadiisa 48-aad 49-aad, iyo 50-aad.
Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.
Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal looga wadatashado arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulshada inta aan loo gudbin goleyaasha dowliga ah waa madal ka qayb galkeedu ku dhisanyahay matalaad Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamullada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Hadaba, Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu caddeynayaa:
1. In aan marna la aqbali karin in midnimo iyo wadajir la doono, matalaadda dad iyo deegaan baaxad lehna aysan qayb ka ahayn aayo katashiga arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad-dhiska Soomaaliya.
2. In SSC-Khaatumo xaq u leedahay ka qayb galka, ka tashiga iyo ka talinta arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee saamaynta ku leh Soomaaliya.
3. In Maamulka SSC Khaatumo xaq u leeyahay mashaariicda horumarineed iyo kabka miisaaniyadeed ee heerarka iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad- goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
SSC Khaatumo waxa ay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka rajeynaysaa in ay ka dhabeeyaan magaca iyo masuuliyadda Goluhu huwanyahay.
SSC-Khaatumo waxa ay sii laba jibaari doontaa hawlaheeda dowlad-dhiska, amniga iyo difaaca, iskutashiga, daadajinta maamulka iyo dimoqraadiyaynta.
Si kastaba waxaa loo dhegtaagayaa qodobada kasoo bixi doona shirkan,Axmed Madoobe ayaana la aaminsan yahay inuu yahay tiirka ku gudboon in lasoo saaro qodobada shirkan.warar hordhac ayaa sheegaya in Axmed Madoobe diidan yahay doorasho qof iyo coda.
Shirkii ka socdey Muqdisho oo qarka u saaran in uu burburo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay Axmed Madoobe. was last modified: October 5th, 2024 by Warsan Radio