Idaacada Warsan ee Magaalada Baydhabo waxaa wali si hamsami ah uga socda tartan aqooneedkii Idaacada, Caawa gusha waxey 1 dhibcood ku raacdey Isha B oo heshey 11 dhibcood iyo Wadajir B 10 dhibcood,waxaana taaba gelinaya tartanka Walaalaha Garab Walaal,Iskuulka Hoose,Dhaxe iyo Sare ee Kawaadir.
Waxaa socda wareegii Labaad,waxaana sidoo kale daadihinta barnaamijka habeen kasta ka qeyb qaata Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Yarow Tarash iyo Abwaan Muxsin Qaasim Qaalib Jaakoole.Habeen dambe waxa is arkaya Waabari A iyo Buunkaay A.