Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in la mamnuucay in salaadda Ciidda lagu dukado Masaajidada ku yaala deegaanada Puntland, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in go’aabkan ay ugu gol leeyihiin sidii cudurkan uusan u faafin, kaasoo haatan dhibaato ba’an ku haya shacabka ku nool deegaanada Puntland.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciida kaddib dib loo furi doono dugsiyada isagoo xusay in loo baahan yahay in la fuliyo shuruudo dhowr ah oo ku saabsan 30 arday ka badan aysna gelin hal qor dugsiyada.
Maamulka Puntland ayaa horay u soo saaray tallaabooyin la xiriira ka hortagga Coronavirus, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalooyinka iyo deegaanada Puntland