Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay duleedka magaalada xilli lagu guda jira dabbaaldegga ciida, sida uu sheegay sargaal ka tirsan booliska.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xero ay ku sugan yihiin barakacayaal.
Labaatan iyo labo qof oo dhaawac ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Baydhabo, sida uu Warsan News u xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka Cabdifitaax Ibraahim Xaashi.
Waxuu sheegay in haatan isbitalka lagu dabiibayo dhammaan dhaacwayada oo xitaa dadkii dhaawacyada fududud soo gaaray isbitaalka laga saaray markii la daweeyay kaddib.
” Haatan waxaa isbitaalka ku haray 17 qof oo weli daweyn ku socota waxaana haatan la tacaalaya dhakhaatiirta,” ayuu yiri agaamsime Cabdifataax.
Qaraxan ayaa lala eegtay dad ciyaarayay iyo kuwo ku daawanayay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka goob loo yaqaan Ban Qayaamo oo ku taal duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxan uu ahaa mid ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray goob ay dadweyne faro badan ku sugnaayeen,halka warar kalana ay tilmaamayaan inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.
Ma jirta wali cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.