Waxaa magaalada Muqdisho saacadihii u dambeeyay ka socday kulamo siyaasadeed oo ay wadaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo dhamaan dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo kan Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho kulan saacado badan socday kula qaatay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulankaas waxaa la sheegay in aad loogu gorfeeyay arrimaha siyaasadda dalka.
Si gaar ah waxaa kulankaan diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka oo maalmahaanba hadalheynteedu ka taagneyd Muqdisho iyo dalka oo dhan.
Waxaa xusid mudan in maalinkiisii afaraad uu galay shirka looga tashanayo doorashooyinka, kaas oo u dhaxeeya madaxweyne Faramaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.