Turkiga ayaa dib u bilaabay xiriirkii diblumaasiyadeed ee uu la lahaa Masar kadib sanado badan oo xiisad u dhexeysay labada dal.
Xiriirka labada dal ayaa goโay kadib markii ay ciidamada Masar xukunka ka tuureen madaxweyne Maxamed Mursi oo si weyn ay isugu dhowaayeen xukuumada Ankara.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa laga soo xigtay in xiriirka labada dal ee bilowday uu yahay bilow ah.
Sarkaal ka tirsan amniga Masar ayaa telefoon ka helay sarkaal ka tirsan sirdoonka Turkiga khamiistii, isaga oo dejinaya rabitaanka Turkiga ee kulanka ka dhacaya Qaahira si looga wada hadlo iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, ilaha sirdoonka Masar.
Sarkaalka Masaarida ah wuxuu soo dhoweeyay baaqa wuxuuna balan qaaday inuu sida ugu dhaqsaha badan uga jawaabi doono, sida ay sheegeen ilaha Masar
Baaqa ayaa daba socday xiriir aan rasmi aheyn oo dhexmaray saraakiisha amaanka ee Masar iyo Turkiga kaas oo looga hadlay xiriirka labada dhinac. Arrinta xuduudaha badda, oo ah isha xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo waddamada kale ee bariga Mediterranean-ka, lama soo qaadin, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Cavusoglu ayaa tegeya Qahira iyadoo Turkiga uu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka xumaaday ee dhowr quwadood oo gobolka ah. Wuxuu sheegay Jimcihii in Ankara ay abaal marin doonto haddii Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ay qaadaan โtilaabooyin wax ku ool ahโ si looga gudbo xiisadihii u dambeeyay