Abdulrazak Gurnah oo ah qoraa u dhashay dalka Tansaaniya ayaa ku guuleystey Abaalmarinta Nobel Suugaanta sannadka 2021 -ka.
Gurnah ayaa abaalmarinta ku guuleystey kadib buugaag uu ka qoray saameynta gumeysigii reer Yurub ee qaarada Afrika.
Abaalmarinta oo ay bixiso Akadeemiyada Sweden waxay qiimiheedu tahay 10 milyan oo taaj Swedish ah ($ 1.14m / ยฃ 840,000).
Gurnah, oo 73 jir ah, waxa uu qoray 10 sheeko, oo ay ku jiraan Paradise and Desertion. โJannada iyo Cidlada.โ
Qoraagan ayaa la yaab ku noqotay inuu ku guuleystey abaalmarintan caalamiga ah; โWaxay ahayd arrin la yaab leh oo dhab ah inaan sugo ilaa aan maqlo in lagu dhawaaqay kahor intaanan rumaysan.โayuu yiri