Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan & Taliyaha Saldhiga Magaalada Baydhabo Muqtaar Ibraahim Gaduud ayaa soo saaray awaawmiir la xiriira Amniga ee Maalmaha ciida.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo Muqtaar Ibraahim Gaduudow ayaa Waalidiinta Magaalada Baydhabo ku amray in Carruurta aysan usoo iibin Maalmaha Ciida Agabka Carruurta ku ciyaaraan ee lagu isticmaalo baaruuda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in inta lagu guda jiro Maalmaha ciida aysan wax gaadiid ah ka Shaqeyn karin Magaalada Baydhabo,isla markaana dadka aan fulin amaradan ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Maalinta berito ah ayaa la filayaa in siweyn looga ciido Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale, waxaana Maanta siwen loo dareemayaa u diyaar garoowga Maalmaha Ciida.