Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magacaabay Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed.
Kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa Xasan Cabduqaadir Maxamed loo Magacaabay Wasiirka Cadaaladda Koofur Galbeed, waxaana Xilkaasi horay u hayay Marxuum Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, kaasi oo lagu dilay qarax lagula eegtay Magaalada Baydhabo 29-kii Bishii july ee sanadkan.
Madaxweynaha ayaa warqadda uu soo saary waxaa uu ku faray Wasiirka Cusub, inuu sida ugu dhaqsiyaha badan inu bilaabo howlaha wasaarada cadaalada KGS