Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka socdo Bariga magaaladaas, gaar ahaanna aagga Maraaga oo ah wadada isku xirta magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama uu dagaalku bilowday arroortii hore ee Jimcaha maanta, abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo.Maamulka SSC-Khaatumo ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen, waxay kusheegeen in ay Somaliland duulaan kusoo qaaday magaalada Laascaanood, dhankoodana ay iska difaaceen.Sida qoraalka lagu sheegay, SSC-Khaatumo waxay sheegtay in dagaalka oo socda ay guul ka gaareen dhinaca Maraaga oo ay bilihii u dambeeyey labada dhinac ku dagaalamayeen ahna marin muhiimad ugu fadhiya SSC-Khaatumo.Maxaabiis iyo gaadiid dagaal in ay qabteen ayay sheegen maamulka SSC, sida qoraalkooda ay ku cadeyeen, mana aysan bixin tiro ama faahfaahin dheeraad ah.Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii dagaal xooggan oo khasaare badan geystay uu ka dhacay isla aagga Maraaga iyo Xargaga, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan labadana dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood.