Duqa Magaalada Booraama ee Xarunta Gobolka Awdal Saleebaan Xasan Xadi ayaa si kulul uga hadley maleeshiyaad hubeysan oo weerar xalay Saqdii Dhexe ku waadeen Gurigiisa oo kuyaalla isla Magaalada Boorama.
Shir jaraa’id oo uu Warbaahihta ugu qabtey Boorama ayaa waxaa uu ku sheegayin rag hubeysan ay rasaas ku fureen Darbiga qeyb kamid ah Gurigiisa,hayeeshee ay iska caabiyeen Ciidamada ilaalada ka hayey Guriga balse aan wax khasaaro ah ka dhalan.
Waxaa uu sheegay ragga weerarka kusoo qaaday aan weli la garan,hayeeshee laamaha Amniga ay baaritaan ku hayaan,intaasi kadibna ay soo gudbin doonaan markii la ogaado.
Warbaahihta ayaa waxka weeydiisay dadka uu ku tuhmayo weerarkaas waxaana uu sheegay in arrintaan ay daba socoto howlgallo ay maalmahaan wadeen oo kusaabsan soo celinta Guryaha danta Guud isla markaana ay ka dambeeyaan dad diidan in Guryaha dowladda inay baneeyaan.
Waxaa uu sheegay in marnaba aysan joojin doonin Shaqada ay Bulshada u hayaan ee ah baneynta dhulalka danta Guud maleeshiyaadkii gurigiisa weerarka kusoo qaadayna baaritaano lagu haayo lana soo qaban doono.