Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka ay ka hortageen Maleeshiyaadka argagixisada Al Shabaab oo saakay waaberigii weerar ku soo qaaday baro koontarool oo ku yaalla duleedka degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaraka ayaa sheegay in ay degan tahay xaaladda Degmadaasi,Ciidamaduna ay hadda joogaan talisyadii iyo goobihii kale baraha koontaroolada ee degmadaasi.
Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 14-ruux oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,isla markaana uu ku jiray horjoogihii u qaabilsanaa Howlgalada Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Hal askari ayaa ka dhintay ciidamada xoogga,halka uu dhaawac ka soo gaaray dhowr qof oo rayid ah.
dhanka kale War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladda oo kaashanaya la hawlgalayaashooda caalamiga ah ee US AFRICOM ay ka hortageen weerar argagixiso oo qarax ku bilowday, kaas oo maleeshiyada Al-shabaab saaka 8:00am waqtiga maxaliga ku soo qaadeen deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60-km dhinaca woqooyi ka xigta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa isku dayday inay dhaafaan bar Kontorol oo halkaasi ay ciidamadu ku lahaayeen, balse ciidanka dawladda iyo kuwa Maraykanka ayaa si deg deg ah uga hortagay.
Hawlgalkaas waxaa ku dhintay 2-askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, 3-kalena waa ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey afhayeenka Wasaaradda Warfaafintahalka Ismaaciil Mukhtaar, Maraykankuna dhinacooda waxay xaqiijiyeen dhaawaca hal askari oo ciidankooda ka tirsan iyo dhimashada mid ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.
“Dadaalada wadajirka ah ee Maraykanka iyo ciidanka dawladda Soomaaliya waxay xadideen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab iyo inay gaaraan hadafkooda, balse kooxdan xagjirka ah oo ah cadawga Soomaaliyeed waxay dhibaato ku haysaa dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, US.AFRICOM iyo AMISOM, waxay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-qaacida, waxaana la saaray cadaadis xooggan, si loo xadido inay balaariyaan ficiladooda qalafsan ee argagixisonimo iyo dambiyada ay ku tallaabsadaan.