Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay in dowladiisu ay dadaal badan ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.
Madaxweynaha ayaa warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuq maasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed.
“Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadka dambe aan ugu guuleysanno soo xulista xubnaha Baarlamaanka.” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabayey weydiimaha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.
“Tan iyo markii aan xilka imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa sheegay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in dib u dhis xoog leh ay dowladdiisu ku sameeysay Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana lana xoreeyey deegaanno badan oo Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada “ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.”