Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka jira Gaalkacyo iyo dagaalkii maanta halkaasi ka dhacay.
Guuleed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo aan tagin Gaalkacyo uu kusoo laabto magaalada Muqdisho, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya inay soo fara geliyaan xiisadaha ka taagan Gaalkacyo.
“Ciidamada Puntland iyo maamulkaasi oo hor kacayo C/weli Gaas, saaka ayeey soo qaadeen dagaal xooggan oo aan is leeyahay waxay ku dhiciseynayaan dadaalka dowladda Federaalka waddo, dadaalka Ra’iisul wasaaraha wado, waxaa runtii ayaan darro ah in Ra’iisul wasaaraha annaga oo uga mahadcelinayo dadaalkiisa iyo howshiisa hadane gobalka ka laabtay isaga oo aan Gaalkacyo imaan,
“Arkin dhibka meesha ka jira, kolley waxaan is leeyahay wax un baa ku kallifay inuu ka laabto, waxa uu dhinaca kale kala kulmay unbaa ku kallifay baan is leeyahay, maxaa yeelay ballanta waxay ahayd markii uu naga tagayay inuu cadaado yimado, Garoowe tago kadibna Gaalkacyo yimaado, halkaasina la’isugu wada tago, marka laabashada Ra’iisul wasaaraha iyo dagaalka gulufka colaadeed ee maamulka Puntland waxaan is leeyahay waa wax is fasirayo oo ah nabaddii, deganaanshihii, xasiloonidii laga rabay gobalka uu ku gacan seeray maamulka Puntland ayaan u fasirannay” ayuu yiri Guuleed.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Puntland in ay nabadda qaataan, islamarkaana wixii la kala tabanayo lagu xalliyo miiska wada hadalka.
“Maamulka Puntland waxaan leeyahay, walaalayaalow dagaal wanaag kuma imaanayo, walaalayaalow is dil wanaag kuma imaanayo, walaalayaalow shacabka Soomaaliyeed intii ka dhiman kartay intii is dili kartay wax nagu filan waan soo aragnay, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta, gaar ahaan dadka dagaallamay hadii ay yihiin, walaal, ehehl dad magaalo ku wada nool oo aan kala qixi karin waa dhibaato inteeda la eg, maanta waxaa xanuun noogu filan dadkii naga wada dhintay, inta naga dhawacantay iyo inta geedaha hoostooda qaxa la jiiftay, waxaan leeyahay caqliga ha taliyo” ayuu yiri Madaxweynha Galmudug.
Si kastaba ha ahaatee xiisada dagaal ee ka dhex taagan labada Maamul ayaa sii xoogeysaneysa, waxaana dagaaladii maanta dib uga soo cusboonaaday Gaalkacyo ku dhintay illaa 10-Ruux, halka tiro 20-qof ka badana Ay ku dhaawacmeen,