Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom ayaa beeniyay eedeyn uga timid Taliska Militariga Itoobiya, oo ku eedeeyay inuu la saftay Maamulka Gobolka Tigreyga.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya, General Berhanu Julla ayaa Khamiisti sheegay in Tedros Adhanom uu garab iyo gaashaanba u noqday Xoogaga Tigreyga, ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka.
Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Wuxuu ka shaqeeyay dalalka deriska in ay dagaalka cambaareeyan, wuxuuna kala shaqeeyay iyaga in ay hub hellaan, sidaasi daraadeed kama aanu tagin xitaa hal dhagax oo uusan gedinin, si uu iyaga u caawiyo. Ma guuleystay mise muusan guuleysan? Taasi waa arrin kale. Iminka dadkii xubnihiisii ahaa waxaa ku abuuran fekerkiisa oo kale, Haddaba maxaad iminka ka fileysaa isaga? Ma fileyno inuu la safto dadka Itoobiyaanka ah, oo uu cambaareeyo iyaga.”
Tedros Adhanom oo eedeyntiisa ka jawaabaya ayaa sheegay inaanu la safan dhinac ka mid ah dhinacyada ku dagaalamaya Waqooyiga Itoobiya.
Adhanom oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo Gobolka Tigreyga ayaa labada dhinac ugu baaqay in dagaalka ay ku bedelaan wadahadal, khilaafkooduna ay ku xaliyaan.