Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa shaaciyay liiska Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed, iyadoo arrintan ka mid aheyd shuruudihii ku hor-gudbanaa shir dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Guddiga la soo magacaabay ayaa ka kooban 8 xubnood oo labada dhinac ah, oo ah kuwa heer Dowlad Goboleed.
Magacaabida Guddiyadan ay soo gudbiyeen dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka dhigan in ajandaha shirka dowlad Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu qeyb ka noqon doono xalinta qodobada lagu muransan yahay.
Liiska Guddiga Doorashada Jubbaland iyo Puntland oo kala ah:-
Guddiga Jubbaland
1- Siyaas Maxamed Mursal
2- Axmed Maxamuud Cumar
3- Axmed Cabdi Nuur
4- Zamzam Faarax Abuukar
5- Maxamed Cusmaan Gaab
6- Ibraahim Aadan Ibraahim
7- Axmed Yuusuf Maxamed
8- Abuukar Nuur Cabdi
Guddiga Puntland
1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3- Axmed Cabdi Maxamuud
4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5- Caydaruus Axmed Faarax
6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7-Farxiya Xuseen Maxamuud
8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame
Habka loo magacaabay guddiyadaas ayaa ah mid ka duwan habraaca sharciga ah ee lagu yaqaanay magacaabista guddiyadda doorashada, balse tan waxaa lagu fasiray mid ay wali doonayaan inay kusii wadaan xarig jiidkii siyaasadeed ee ka dhexeeyay ayaga iyo Farmaajo.