Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dowladda Iyo Xubno Ka Tirsan M/Goboleedyada Oo Kulan Yeeshay 25/04/2020 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS 07/01/2018 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hambalyo U Direy 5ta Senator Ee Maanta Lagu Doortay Muqdisho 30/09/2021 Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla Niger & mas’uuliyiin booqday 29/11/2022 Xildhibaanada BF oo xaflad mahad celin ah loogu sameeyey Tiyaatarka Qaranka (Sawirro) 03/07/2020 Barlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay nuqulka heshiiskii doorashada 26/09/2020 Ciidamada dowladda oo sheegay iney mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose 10/07/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Hampalyada Iyo Salaamha ee Idaacada Warsan 16/09/2022 Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka 17/08/2021 RW kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka u dhoofay Dalka Qatar 26/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.