Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo written by Warsan Radio 21/06/2022 Dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa duleedka magaalada kismaayo ee obolka Jubbada hoose waxaa uu maanta barqadii ku dhex-maray Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo katirsan Ciidamada Jubbaland, xilli ay marayeen Inta u dhaxeeysa degaannada Baarka iyo halka loo yaqaano dhul-baraha ee duleedka Magalada Kismaayo.Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay al askari oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinac Al-Shabaab, isla markaana khasaaro farabadan ay gaarsiiyeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan, isla markaana Ciidamada howlgallo ay sameeyeen kadib ay dib u laabteen Magaalada Kismaayo. Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo next post Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada You may also like Dhageyso:-Deegaan Doorashooyinka Baydhaboiyo Baraawe oo Weli Loo Meel Mari La’yahay 07/03/2018 DHAGAYSO AQOONYAHAN AHMADEY O KAWARAMAY JAALIAYADA KOONFUR GALBEED KAALINTA AY KAGEYSAN KARAAN ABAARAHA ARLAATHI 11/01/2017 DHAGEYSO WARSAN IYO WADANINEWS24 SOO BANDHIGEY SABABAHA KEENEY ABAARAHA 28/01/2017 Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada London 28/07/2021 Webiga Shabelle oo markale bilaabay inuu ku fataho Beledweyne 09/09/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 03/05/2017 Musharax xildhibaan Golaha shacabka Ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Mudane Adan Ibrahim isak (Dikotar) 19/10/2020 Dhgeyso:-Barnaamijka Beeraha 12/10/2020 Axmed Madobe Oo Kulan La Qaatay wakiilka QM Somalia James Swan 10/03/2021 Dhageyso:-Golha Badbaadada Ayaa sheegay in Todobaadkii hore Ciidamada Booliska KGS Ay Suuqa Xoolha ku Weerareen Dad Xoola iib ah 18/02/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.