Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab written by Warsan Radio 25/06/2022 Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari bas iyo mid tax ah oo marayay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana ay dadkii saarnaa ay ka baareen in ay ku jiraan dad aan Soomaali aheyn oo u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Kenya.Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Lag Barich oo u dhexeeya Magaalada Dabacity iyo Buurta Dimu ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.Baska ayaa rakaab ka soo qaaday Nairobi kuna sii jeeday Mandheera ayaa rag aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay joojiyeen ka dibna ay baaris dadka ku bilaabeen sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah darawadalada.Goob joogayaal ayaa sheegay inay raadinayaan Shabaab dad aan deegaanka u dhalan. Waxay ku amreen dhammaan rakaabkii inay ka soo degaan baska, waxayna raadinayeen dadka aan deegaanka u dhalan wax ka badan laba saacadood ayay wareysanaayeen dhammaan rakaabkii saarnaa gaariga.Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah ay baarayeen rakaabka, qaar kalena lagu arkay kaymo ku dhow wadada weyn ee B9.Ma jirto cid wax ku noqotay howlgalka, maadaama aysan jirin cid aan deegaanka u dhalan. Waxaana gaadiidleyda ay sheegeen in aysan qaadi Karin dad aan u dhalan degaanada Soomaalida, maadaama ay Shabaab beegsanayaan. Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post QM oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya next post Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan You may also like Barnaamijka Kulanka Warsan 07/10/2021 VIDEO Kulankan Lagu Taagerayay Malaaq Leeysaamoow oo Ah Malaaq Ka Tirsan 135ta oday Soo Xulay BDFS 30/12/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/08/2020 RW Rooble Iyo Qoorqoor Oo Kulan La Qaatay Guddiyada Doorashooyinka 16/11/2021 Koox fallaago ah oo 160 Ruux ku dishay Itoobiya 08/02/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/12/2018 Dadka Karoona u dhintey gudaha mareykanka oo aad u korartey. 25/04/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/10/2023 SAWIRO:-Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay xariga Xoghayaha SJS 12/10/2022 Daawo Muqaalkaan Waxaa Maanta Lasoo Gebabeyey Tartan u Dhaxeeyey 4 Farta Xaafadood oo uga Weyn Magaaalada Baydhabo 27/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.