Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 27/06/2022 Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay duleedka Waqooyi ee Gobolka Hiiraan.Ciidamada ayaa xilliga la qarxinayay howlgalo ka waday wadada u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Matabaan, waxaana Qaraxa uu qabsaday Gaari NOAH oo ay saarnaayeen rag ay Wariyeyaal kamid yihiin.Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa Saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka dhaawacmay Wariyeyaasha Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeellow iyo Nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gureey.Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa qeyb ka ahaa kolonyo kamid ah Ciidamada Dowladda iyo madaxda Gobalka Hiiraan oo Howlgallo ka wada wadada u dhaxeeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, waxaana qaraxa uu qabsaday xilli ay marayeen degaanka Qabno oo u dhow degmada Matabaan.Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la kala geeyay degmooyinka Beledweyne & Guriceel, waxaana la sheegay in Ciidamada ay weli howlgallada ay sii wadaan. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo next post Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab You may also like Tababare Ciidan oo loo xukumay la Shaqaynta Al-Shabaab 19/02/2023 Sawiro: Wasaaradda Howlad Guud Dib u dhiska iyo Guriyeenta KG oo Tababar u qabtey qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda. 23/12/2019 Dowladda Soomaaliya oo codsi u gudbisay MAREYKANKA 11/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/01/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dabkii ka kacay Suuqa Banaadir 20/05/2022 XFS oo Faah Faahisay Xilliga Ciidamadda Qalabka sida Hawlgalka ATMIS ay kala Wareegayaan Amniga 10/06/2023 Dhageso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 02/12/2021 Xaaladda Isbitaalka Quddus ee Qasa oo faraha ka baxday 31/10/2023 Dhageyso+Warka Caawa Ee Warsanradio Ee Magalada Baydhabo 5/11/2016 05/11/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 15/08/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.