Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya written by Warsan Radio 14/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa Maanta oo khamiis ah ku sii jeeda magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku joogi doono.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono Magaalada Nairobi, isla markaana heshiis ku saabsan dib u fasixida khaadka (jaadka) uu la saxiixan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, warkaas oo Villa Somalia ay ka aamustay.Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono dalalka Itoobiya iyo Kenya, isla markaana Madaxda dalalkaas uu kala hadlii doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.Safarkan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Magaalada Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15 May, Madaxweynaha ayaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.Tegitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya Magaalada Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay next post Maamulka degmada diinsoor oo ka warbixiyey xaalada degmadaasi. You may also like Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Muqdisho 30/10/2022 Dhageyso:-Qeybta 6 ee Barnaamijka Wax soo saarka 13/11/2021 Al-shabaab oo shaaciyay inay madax furasho ka qaateen sii daynta haweeney u dhalatay Italy. 13/05/2020 Puntland oo War ka soo saareysa qiima kororka Gaaska Cuntada 01/02/2022 Akhriso+Sawiro:-Dowladda Soomaaliya oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna 04/07/2019 Video:-Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale Maxakamad la fuulaayo Qaarka Mid Ah Xildhibaanada KGS. 01/09/2017 DHAGEYSO:-QAYBTII 2AAD ATHIINY MO’OSHIITTHY 23/12/2016 Madaxweyne Axmed Madoobe oo Magacaabis sameeyay 19/11/2023 Natiijada tartantan aqooneedka Radio Warsan 12/04/2022 Shariif Sheekh Oo Ka Hadlay Kiiska Dilka Ikraan Tahliil 09/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.