Ciidamada Puntland oo howlgal gaar ah fuliyay written by Warsan Radio 24/07/2022 laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaa Ciidamada Daraawiishta, kuwa PSF & PMPF ayaa howlgal gaar ah oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaano kuyaalla dhulka Buuraleyda ah ee Silsilada Golis ee Gobolka Bari.Ujeedka howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay ay ku sheegeen in uu ahaa sidii dhulka Buuraleyda ah looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo aad ugu xoogan, isla markaana mararka qaar ay weerar kasoo qaadaan.Taliyaha Aaga silsilada Golis ee Ciidanka Difaaca Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire, ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii Al-Shabaab ee Buuraleyda Goolis kadib markii ay isgaa tageen Al-Shabaab.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada difaaca Puntland ay howlgalka ku qabteen Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo dawooyin ay isticmaalayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya degaano katirsan Gobolada Puntland. Ciidamada Puntland oo howlgal gaar ah fuliyay was last modified: July 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalada Port Elizabeth dalka Koonfur Afrika 08/02/2021 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kumannaan Dadwayne Ah Kula Hadlay Magaalada Caabuudwaaq Ee Gobalka Galguduud. 28/06/2019 Kulan looga hadlayay wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka 11/06/2020 Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan 07/08/2022 Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan oo gaaray magaalada Kismaayo 23/02/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/09/2020 Amiirad u dhalatay Sucuudiga oo muddo kadib xoriyaddeedii dib u heshay 09/01/2022 Akhriso:-Kolonyo Saarnaa Ciidamo Talyaani ah oo Tababaraayay Ciidamada Soomaaliya oo lagu qarxiyay Muqdisho 01/10/2018 Dhageyso:-Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo Helicopter looga dejiyay Baydhabo 25/12/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.