Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho written by Warsan Radio 07/11/2022 Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeysay Weerarkii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Xerada lagu tababaro Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Warshadda Nacnaca oo ku taalla degmada Wadajir, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada.Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.Sidoo kale Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas ismiidaaminta ahaa, waxayna u rajaysay caafimaad degdeg ah dhammaan inta ku dhaawacantay.Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxaas ku sheegtay in lagu dilay kamid ah dhalinyaradii loo qoray inay kamid noqdaan Ciidanka xoogga dalka, halka Al-Shabaab ay sheegteen inay ku dileen 100 Ruux, hayeeshee xogta la helay ayaa sheegeysay in ku dhawaad 20 ay ku dhinteen. Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho was last modified: November 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sawiro:-Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray degmada Ceelbarde + Ujeedka next post Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho You may also like Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dhawr wadan oo caalamka ah 15/10/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/08/2019 Lafta-gareen” Waxaa naga go’an ilaalinta qoondada haweenka” 18/09/2021 On visit to Garowe, UN Envoy welcomes progress and encourages all Somalis to work together on national issues 27/10/2019 Dhageyso+Sawiro:-Xaflad LAGU WEYNAYNAYEY DHALASHADA NABI MUXAMED N.N.K.H OO MAANTA LAGU QABTAYMAGALADA BAYDHABO 11/11/2019 DHAGEEYSO GODOMIYAHA DIGIL IYO MIRIFLE DEGMADA BAARDHEERE AYAA KAHADLAY DHIBAATADA KATAAGAN DEGMADA BAARDHEERE 3-11-2016 03/11/2016 Dhageyso Waxaan wareeysi Layeelanay Dr.Sheiknor Abuukar Qaasim oo ka mid ah dadka ka soo jeedo KGS 28/07/2019 Hindiya Oo Laga Helay Nooca Cusub Ee Cudurka Coronavirus 17/02/2021 Sawiro: Ciidamada AMISOM oo heleen gadiid cusub oo ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa awooda Ciidamada. 28/04/2020 Hay’adda Socdaalka Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Degmo Ka Tirsan G/Baay 04/03/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.