Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya written by Warsan Radio 11/12/2022 Cudurka Shuban biyoodka ayaa waxaa uu ka dilaacay degaano hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyada oo dhowr qof Soomaali ah ay cudurka u geeriyoodeen tiro kalena ay xilligaan Isbitaalada la jiifaan xanuunka.Degaannada hoostaga Magaalada Wajeer ee uu cudurka ka dilaacay ayaa waxaa ku sugan dad Soomaali qaxooti ah, kuwaas oo ka tegay degaano kale oo ay ka dhacday abaar saameyn ku yeelatay noloshooda.Axmed Dhicis Xaaji aoo ah Xildhibaanka laga soo doorto degmada Habasweyne ayaa sheegay in ilaa iyo Saddex Ruux ay u geeriyoodeen cudurka Shuban-biyoodka 10kaena ay Isbitaalada la jiifaan.Wuxuu hadalkiisa uu intasi kudaray Xildhibaanka in dadka kunool degaannada hoostaga Magaalada Wajeer u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg deg ah, maadaama ay yihiin dad badi degaano kale ka yimid.Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya kajiray dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay colaad beeleedyo iyo abaar daran, iyada oo badi dhibaatadaas ay saameeysay dadka Soomaalida ah. Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya was last modified: December 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay next post Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika You may also like Sheekh Aadan Madoobe oo Caawa Guddi Magacaabay 02/01/2023 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 22/02/2018 Taliska Booliska Baladweyne Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Lagu Le’day Ee Ka Dhacay Magaaladaas 24/03/2022 Xaaska Ninkii uu gaariga kudilay Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya oo hadashay 11/12/2023 Wariye Maxamed Deeq Serjito oo lagu xiray Magaalada Baydhabo 27/08/2020 Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka Puntland oo doortay Guddoon 06/07/2021 Dhageyso:-Malaaqii Afaraad kgs Oo xaley Muqdisho Lagu diley wareysi malaaq deerow 31/01/2017 Dhageyo:-Xasan Sheekh Waxaad haysaan waa Wadadii lagu hungoobay oo lagu dumi lahaa 24/09/2019 Dagaal ay ku dhinteen laba Nin walaalo ah oo ka dhacay Gobolka Sool 05/06/2022 Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay CXD Soomaaliyeed 09/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.